Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad aan garasho iyo garaad lahayn: Sidee loo beddelay hadalkii Farmaajo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan nahay ummad ay garashada iyo garaadku ku yar yihiin kaba sii darane aan dareynsaneyn wadciga uu dalku maraayo iyo dhibaatooyinka naga heysta argagaxisada AL-SHABAAB.  Waxay soo qoreen in Madaxweyne Farmaajo uu gefay markuu yiri ”qalinka hala dhigo ee qoriga ha la qaato”, markaasey tusaale u soo qaateen hadal mar hore uu yiri Elman oo kaas ka soo horjeeda.

Madaxweyne Farmaajo talada uu soo jeediyay waa ku saxsan yahay waayoo waxaan illawnay hal-ku-dhegi ahaa ”aaway cir hoostiis lagu caweeyo”..war ma isweydiiyeen goormaa wax la baran karaa mar haddii dalki oo dhan duullaan lagu yahay oo ummaddi la leynaayo iyadoon loo aaba yeelin..kuwa wax soo qoraaya ma akhriyeen weligood dagaaladi addunka ka dhacay oo kii ugu dambeeyay uu dhammaaday 1945 ma jireen adduunka meelo wax lagu barto ama jaamicado shaqeeya siiba wadamada Yurub iyo Asiya midkoodna. Wadciga dalku ku sugan yahay waa taa oo kale!!!

Intaasi waa garsho xumadi, xagga garaad yarida waxay soo jeediyeen xagee dadkaas mushaar looga keenaa? Waryaa u sheega in laga soo billaabo 1939  ilaa 1945 oo ah muddadii uu dagaalki labaad socday askari mushaar qaatay ma jirin oo waxaa lagu jiray dhufeysyo, cidina ma xasuusan lacag waana meesha ay Somalidu ugu nugushahay oo laga soo galo..qof waliba maskaxdeeda waxaa ku daabacan lacag war kalena ma maqalno.Taasina waxaa daliil u ah in hogaamiyeyaashi iyo siyaasiyiinti ay Somalidu u aqoonsaneyd inay yihyiin ZUCAMA lagu iibsaday qiimo aad u yar ayna maanta diyaar u yihiin in dalka xataa wareejiyaan mar haddii iyaga la siiyay fara qabsi. Waxaan isku xaqiijinay inaan nahay sidi weyl lo’aad oo la yiri NINKI WARAABSADAA WATA.

Waxaa laga yaabaa dad inuu yiraahdo hogaamiyeyaasha ha isku wada jamcin waayoo waxaa laga heli karaa qaar ka duwan kuwa maanta muuqda…laakin waxaa wadareeyay oraahda Talyaaniga oo dheheysa LA MAGGIORANZA ASSORBE LA MINORANZA.  Waxaan mareynaa marxalad aad u adag oo inta adadag oo wadaninnimo ku beeran tahay oo kaliya ay ka soo bixi karaan QUANDO IL PERCORSO E’ DURO SOLO I DURI RIMANGONO oo micnahedu yahay ”marka meesha la maraayo ay adag tahay dadka inta adadag oo kaliya ayaa ka soo harta”.

Waxaan mareynaa marxalad oo arrimaheyni oo dhan ay isku dhex yaaceen oo ay adag tahay in la kala garto saxa iyo khaladka, yaa mudan in la hormariyo ma danta dadka iyo dalka mase danta qofka shakhsiga ah?  Waxaa la isweydiiyay hogaamiyeyaasha dalka wax ay ka xishoodaan ama ka xaaraan ah ma jiraan?  Jawaabta dadweynaha laga sugaa!!!

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this