Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma Khaliil Dheere: Isku xiraha Daacishta dalka Somalia, Iraq iyo Syria

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa la sheegay in weli aan la hayn caddeymo xooggan oo muujinaya in hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Somalia Cabdulqaadir Muumin uu xiriir howlgallo la leeyahay hoggaanka sare ee kooxda Daacish.

Si kastaba, warbixinta ayaa sheegtay in taleefonno la dhageystay bilihii April iyo May ee 2016 ay muujinayaan inuu xiriir joogto ah la leeyahay taleefon lambar oo laga leeyahay dalka Yemen.

Ilo-wareedyo ku sugan gobolka ayaa xaqiijiyey in taleefonkaas uu leeyahay Khaliil Dheere oo horey uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ka tagey, oo u guuray dalka Yemen, sanaddii 2013.

Warbixinta ayaa sheegtay in Khaliil Dheere uu yahay dhexdhexaadiye isku xiraya hoggaanka sare ee kooxda Daacish ee dalalka Iraq iyo Syria, inkasta oo weli aysan caddeyn miro-dhalka dadaalladiisa.

Xubno horey uga tirsanaa kooxda Daacish ee Soomaaliya oo goostay ayaa laga soo xigtay in madaxdooda ay amarro ka helaan dalalka Iraq iyo Syria, islamarkaana lacag looga soo diray xawaalado dalalkaas ku yaalla.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in hoggaanka kooxda sida Cabdulqaadir Muumin iyo Axmed Aden ay si sir ah hab qoraal ula hadlaan madaxda Daacish, ayaga oo istcmaalaya app-ka TrueCrypt.

Si kastaba, kooxda QM ayaa sheegtay inaysan si madax banaan u xaqiijin karin arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this