Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sidee ayaa shaqaalaha QM ee Muqdisho looga bad baadiyaa cabsida Xalane?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in weli ay jirto cabsi ku aadan in maleeshiyaadka Alshabaab ay weerar ka geystaan Xarunta xalane ee magaalada Muqdisho.

Cabsida ayaa lasoo warinayaa inay tahay mid weli taagan isla markaana qalqal ku abuurtay shaqaalaha Hay’ada QM ee ka howlgala xarunta.

Inta ay taagan tahay cabsida shaqaalaha ayaa u kala goosha magaalada Nairobi iyo Muqdisho, sababo amni aawgood.

Diyaaradaha gaarka ee QM ayaa xiliyada galbihii Shaqaalaha Hay’adda ee ka howlgala xarunta Xalane u qaada magaalada Nairobi, halka subixiina ay usoo shaqo tagaan magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amaanka dowlada Federaalka ayaa xaqiijiyay inay socdaan howlo baaritaan oo lagu baadi-goobaayo maleeshiyaadka looga cabsi qabo inay weeraraan Xarunta Xalane oo saldhig u ah dhammaan Hay’adaha amaanka reer galbeedka iyo kuwa Afrikanka madow.

Dhinaca kale, qoraal dhawaan kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu xaqiijiyay amni darada weli laga cabsida qabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this