Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjirihii Somalia u fadhiyay Imaaraadka oo Ka Warwareegaya Inuu Xilka Wareejiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Danjiraha_Somalia_ee_UAE.jpg?resize=826%
Muqdisho (PP) ─
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa ku amartay danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyay, kaddib markii laga wareejiyay hawlaha safaaradda. Qoraal 24-kii bishii hore ee Oktoobar soo baxay ayaa ka mid ahayd warqado loo kala diray safiirrada illaa siddeed waddan oo dhawaan la beddelay, balse qaarkood la sheegay inay ku gacan-sayreen amarka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Haddaba, Danjire C/qaadir Shiikhey ayaa wuxuu ka mid ahaa Safiirradii ka dhego-fureystay inuu xilka wareejinayo kuna soo laabto dalka, kaddib markii ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

 

Sidoo kale, Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ayaa ku war-gelisay Danjire Shiikhey inuu xilka ku wareejiyo, Axmed Dahir Maxamed oo noqon doona sii-hayaha safiirka Somalia ee dalka Imaaraadka Carabta. Dhanka kale, C/qaadir Shiikhey ayaa ka mid ahaa Danjirayaashii ugu xilliga dheeraa isagoo muddo 10-sano ka badan ahaa Safiirka Somalia u fadhiyay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana dowladdihii hore ay ku fashilmeen inay bedelaan Danjirahan oo ka mid ahaa kuwa ugu awooda badan, gacan-saar dhawna la lahaa Imaaraadka Carabta. Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay la safan-tahay danjiraha ayna ku amrtay inuusan wareejin xilka, inkastoo ay arrintan tahay mid jiritaankeeda aanan idiin xaqiijin karin.

 

Haddaba, AKHRISO; Qoraalka lagu amaray Danjire C/qaadir Sheekhey;
Qoraal_Danjiraha_DFS_ee_UAE.jpg?resize=6

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this