Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ka cusub walaaca ka taagan Xalane iyo gaadiidka Amisom ee u gacan galay Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Gaadiid ay leedahay AMISOM oo dhawaan galay gacanta maleeshiyaadka Alshabaab kuwaa oo la qorsheeyay in iyagoo miineysan lagu dhex daro kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Gaadiidkan oo ciidamada Ugandha looga furtay weeraro ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa la qorsheeyay in loo adeegsado weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaado Xarunta weyn ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Garoonka Muqdisho.

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka General Muqtaar Xuseen Afrax, oo arrintaan ka hadlaayay ayaa sheegay inay tahay mid been abuur ah.

General Muqtaar Xuseen, waxa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in gaadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM loo adeegsan doono qaraxyo laga fulinaayo Magaalada Muqdisho.

General Muqtaar Xuseen, ayaa dafiray in Gaadiidkaasi ay ku dhex jiraan magaalada Muqdisho, isla markaana ay maleeshiyaadka Alshabaab la gaadayaan fursado ay ku galaan goobaha ay beegsanayaan.

General Muqtaar Xuseen, oo kasoo horjeeda qalqal amni darro oo ku imaada Shacabka ayaa beeniyay xitaa wararka sheegaya in cabsi buuran ay ka jirto Garoonka Muqdisho.

Isagoo arrinkaa beeninaaya ayaa waxa uu yiri ”Waxaa soo noqnoqonaya kalmado ah in gaadiid qaraxyo lagu raray oo ay leeyihiin AMISOM ay ku jiraan magaalada, warkaas waa waxba kama jiraan, waxaa shacabka ka codsanayaa in hey’adaha ammaanka ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga lid ku ah iyo hadii ay wax arkaan”

Cabsida jirta ee uu dafiray Ku-simaha Taliyaha Booliska, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay qoraal gudaha asbuucan kasoo baxay Taliska AMISOM kaa oo lagu kala diray howlwadeenada Xarunta AMISOM, si baaritaan loogu sameeyo gaadiidka ciidamada.

Qoraalka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in xitaa la baarayo xarumaha cadaanka si looga dhex raadiyo walxaha Qarxa isla markaana loo tirro koobo gaadiidkooda oo laga cabsi qabay in lagu soo dhex qariyo kuwa Qaraxyada wada.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Ku-simaha Taliyaha Booliska ayaa u muuqda mid loogu laab qaboojinaayo shacabka oo iyagu hadal haya gaadiidka AMISOM ee ku dhex jira magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this