Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo ciidamo badan soo dhoobay duleedka Afgooye iyo Xaaladda oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa noqotay meel ay ka jirto Xasarad u dhaxeyso Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Al-Shabaab, waxaana Degmadaas iyo meelo u dhow dhow ka dhacay dagaalo iyo duqeymo kala duwan.

Haddaba Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso Magaalada Afgooye iyo meelaha u dhow dhow ayaa sheegayo inay halkaas Kooxda Al-Shabaab ay soo dhoobeen Ciidamo badan si ay uga hor tagaan duulaanka abaabulan ee uga soo socdo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM/.

Ciidamadan Shabaab ay soo dhoobeen duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa laga kala keenay Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha hoose, sida Saraakiil ka tirsan Dowladda ay xaqiijiyeen kuwaas oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ku yaal.

Ujeedka ay Al-Shabaab ka leeyihiin arrintaan ayaa ah inay Culeys Militari saaraan Degmada Afgooye, maadaama halkaasi uu ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda oo lagu doonayo in Shabaab looga Saaro Gobolkaas.

Ciidamo tiro badan oo Shabaab ka tirsan ayaa lagu arkay Beeraha ku yaal duleedka Afgooye, waxayna dadka beeraleeda ah u sheegayaan inaysan cabsanin ayna yihiin Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Beeraleeda halkaas dagan ayaa dareemay Cabsi xoog leh, maadaama Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay maalmihii dambe xoojiyeen duqeymaha ay u geysanayaan Ciidamada Al-Shabaab.

Ciidamada Shabaabka ayaa ku lugeynaayay qaab Evantari ah, gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay uga soo tageen duleedyada fog ee Degmada Afgooye.

Sidoo kale waxaa xusid mudan Shabaab in ciidamo badan ay soo dhigeen deegaanka Basra, si ay isaga caabiyaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee ay wadaan ciidamada dowladda.

Dowladda Somaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ururka Shabaab, balse sida muuqata dowladda wax horumar ah kama aysan sameyn dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadana wado qorsho xoog leh oo ay ku dooneyso inay Al-Shabaab kaga sifeyso Gobolka Shabeelada Hoose oo la aamisan yahay inay tahay halka ay Al-Shabaab kasoo abaabulaan Qaraxyada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa  seddex duqeyn ka geystay meelo aan sidaas uga fogeyn degmada Afgooye seddexdii maalin ee lasoo dhaafay, waxayna duqeymahaas noqdeen kuwa joogto ah, iyadoo ay xusid mudan tahay inay khasaaro xoog leh kasoo gaartay dad shacab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this