Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabab still collecting racket money inside Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sii wadda inay dhaqaale ka hesho canshuurta sharci darrada ah ee ay ka qaado ganacsatada Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group. Kooxdan ayaa sheegtay inay wareysiyo ay la yeelatay ganacsatada Muqdisho lagu ogaaday in canshuurta Al-Shabaab ay bishii ka qaado ganacsatada ay u dhaxeyso 10 dollar oo laga qaado kuwa yaryar, illaa 70 kun oo dollar oo ay bixiyaan shirkadaha waa weyn.

 

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in digniintii ay dowladda soo saartay 23-kii July ee sanadkan ee uga digtay ganacsatada inay lacag siiyaan Al-Shabaab ay u muuqato mid ku dhaceysa dhego aan wax maqal, sababtuna ay tahay awood yariada hay’adaha amniga dowladda. Waxa ay sidoo kale warbixintu sheegtay in Al-Shabaab ay si xooggan isugu haleyso kuna tiirsan tahay canshuurta ay saarto wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo ganacsiga. Shabaab ayaa sidoo kale lacag ka qaadata baabuurta ay jidka u gasho, oo ay ku jiraan kuwa u socda Kenya, ayada oo mararka qaar halkii baabuur ee xamuul ah laga qaado 1000 dollar, ayada oo baabuurta la siiyo warqad caddeeneysa inay lacagta bixiyeen, si aan mar labaad meel kale lacag looga qaadin.

 

Lacagta ay Al-Shabaab ka qaado ganacstada ayaa loogu yeeraa, cudur daarna looga dhigaa inay tahay Zako.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this