Sign in to follow this  
Deeq A.

Sideed sano kadib wixii laga sheegi jiray Al-Shabaab iyo Eritrea oo been noqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (Caasimada Online) – Koox khuboro ah oo ka tiran QM ayaa sadeed sano kadib caddeeyey inan wax caddeyn ah loo heli karin taageerada la sheego in Eritrea ay siiso kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Warbixin ka kooban 60 bog, oo ay soo saartay kooxda kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group, ayaa sidaas darteed weydiisatay golaha ammaanka ee QM in xayiraadda hubka laga qaado Eritrea.

“In kasta oo ay jirto eedeynta ah in Eritrea ay Al-Shabaab taageerto, haddana illaa hadda eedeyntaas wax caddeyn ah waa loo la’yahay” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Maadaama kooxda kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ay awoodi weysay inay caddeyn u hesho taageerada Eritrea ee Al-Shabaab muddo afar sano oo xiriir ah oo aan  raadineynay, waxaana golaha ammaanka ugu baaqeyna inuu xayiraadda ka qaado Eritrea” ayaa lagu yiri warbiixnta.

Eedeynta ku saabsan in Eritrea ay taageerto Al-Shabaab, ayaa waxaa lagu sheegay qaraarkii golaha ammaanka ee QM uu soo saaray 2009, ee tirsigiisu ahaa 1907, kaasi oo xayiraadda saaray Eritrea.

Qaraarkaasi ayaa waxaa ka dambeeyey dowladda Mareykanka oo Eitrea ku eedeysay inau taageero siiso Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qacida.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this