Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo hal arrin uga digay dowlada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlaayay amni darida ka jirta dalka iyo duulaanka ay qorsheyneyso dowlada Somalia, ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga hortago amni darida weli taagan.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dalka uu leeyahay ciidamo aad u xoogan, balse la doonayo in la dhameystiro xuquuqda ciidamada si ay ula dagaalamaan cadowga.

Waxa uu Axmed Madoobe tilmaamay inay la socdaan in ciidamadu aysan heysan wax xuquuq ah, hase ahaatee waxa uu garwaaqsaday inay adag tahay in ciidamo ceynkaasi ah ay la dagaalamaan cadow, balse waxa uu rajo ka muujiyay in ciidamadu ay u dhabar adeegi doonaan difaaca dalka iyo dadkooda.

Sidoo kale, Axmed Madoobe waxa uu Madaxda ugu sareysa Qaranka uga digay hal arrin oo ah inay ka dhabeyn waayan hanjabaadii aheyd inay qaadayaan duulaan ka dhan ah Alshabaab oo ay kula soo noqonayaan deegaanada ka maqan gacanta dowlada.

Dhinaca kale, waxa uu Axmed Madoobe soo jeediyay in la dadajiyo duulaanka ka hor inta aysan maleeshiyaadka ku mashquulin amniga goobaha ay gacanta ku heyso dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this