Deeq A. Posted November 13, 2017 Shirkii u socday Madaxweynaha Puntland Gaas, Madaxweyne ku Xigeenka puntland Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubno Baarlamaanka Puntland katirsan ayaa burbur ku dhamaaday maanta. Madaxweyne Gaas ayaa intii uu Moqdisho ku maqnaa waxaa shiray xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee kasoo jeeda Sool iyo Sanaag, waxayna Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Camey kula heshiiyeen in Baarlamaanku amar soo saaro kadibna Camey fuliyo oo dhulka ay matalaan xoreystaan wax doorasho Somaliland ahina aanay ka dhicin. Madaxweyne Gaas markuu Moqdisho kasoo noqday ayaa loo sheegay in go’aankii Baarlamaanka la fulinayo oo ay tahay lagama maarmaan. Madaxweyne Gaas ayaa ka soo horjeestay arintaas. Baarlamaanka Puntland ayaa balan qaaday haddaan go’aankoodii ku aadanaa Somaliland doorashooyinkeeda la fulin in Xukuumada iyo Madaxweyne Gaas ay ridayaan. Xaalad qasnaan iyo Jahwareer ayaa maanta ka taagan Madaxtooyada Puntland, xilli ay Somaliland bilaabayso doorashooyinkeedii. Xigasho: Widhwidh.com Quote Share this post Link to post Share on other sites