Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland MPs vow to remove Gaas from office if he doesn't respect Parliament's warning to Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii u socday Madaxweynaha Puntland Gaas, Madaxweyne ku Xigeenka puntland Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubno Baarlamaanka Puntland katirsan ayaa burbur ku dhamaaday maanta.

 

Madaxweyne Gaas ayaa intii uu Moqdisho ku maqnaa waxaa shiray xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee kasoo jeeda Sool iyo Sanaag, waxayna Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Camey kula heshiiyeen in Baarlamaanku amar soo saaro kadibna Camey fuliyo oo dhulka ay matalaan xoreystaan wax doorasho Somaliland ahina aanay ka dhicin. Madaxweyne Gaas markuu Moqdisho kasoo noqday ayaa loo sheegay in go’aankii Baarlamaanka la fulinayo oo ay tahay lagama maarmaan. Madaxweyne Gaas ayaa ka soo horjeestay arintaas. 

 

Baarlamaanka Puntland ayaa balan qaaday haddaan go’aankoodii ku aadanaa Somaliland doorashooyinkeeda la fulin in Xukuumada iyo Madaxweyne Gaas ay ridayaan.

 

Xaalad qasnaan iyo Jahwareer ayaa maanta ka taagan Madaxtooyada Puntland, xilli ay Somaliland bilaabayso doorashooyinkeedii. 

 

Xigasho: Widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this