Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirada Jubbaland oo war kasoo saaray Amniga & Duulaanka ka dhanka ah al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Jubbaland.

Kulankaan waxaa lagaga hadlay dar dar galinta hawlgalada amaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu horayn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha u sharaxay Safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho iyo heshiiskii madaxda Soomaalidu ay ku gaareen in meel looga soo wada jeesto dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in cadawga kaliyah ee Nolosha u diidan umada ay lama dhaafan tahay in lala diriro oo la iska dulqaado.

Waxaa uu sheegay in uu socdo abaabul xoog leh oo lagu bilaabayo hawlgal kama danbays ah oo dalka oo dhan laga samayn doono si Argagixisada loo wiiqo.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan oo waayadan hawlo shaqo ugu maqnaa gobolka Gedo ayaa faah faahiyay sida ay tahay xaalada gobolka gaar ahaan diyaar garoowga la xiriira hawlgalada dhawaan bilaabanaya.

Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka ay diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaatan nabadaynta wadanka isla markana ay ka go’antahay sidii nabad waarta lagu heli lahaa.

Golahu wuxuu amaanay Shacabka deegaanka ee garab taagan Ciidamada isla markana diyaarka u ah in ay naftooda u huraan xoraynta dalkooda.

Taliyayaasha Ciidamada ayuu golahu ku booriyay in ay laban laaban adkaynta nabadgalyada Magaalooyinka mudada hawlgaladu ay socdaan.

axmed-madoobe-1-1.jpg?resize=696%2C463axmed-madoobe-2-1.jpg?resize=696%2C463axmed-madoobe-3.jpg?resize=696%2C515Jubaland-1.jpg?resize=696%2C499jubaland-2.jpg?resize=696%2C368

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this