Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Juxa oo raja beel ka muujiyay Hanaanka Deeganada qaar loogu dhisi lahaa Gole deegan +Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Somalia Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay in degaanadda qaar aysan suurto gal aheyn in laga sameeyo Gole Deegaanka Xaalad Amni awgeed balse Deganada kale sida ugu dhaqsiyah badan looga hirgalin doono.

Waxa uu Juxa caqabad adag ku sheegay in deegaanada qaar ay ka dhaqan galiyaan Golaha, iyadoo la wada ogyahay inay ku dhex nool yihiin kuwo quuta dhiiga oo uu ula jeedo cadowga al-Shabaab ee u taagan dhibaateynta kuwa ka shaqeeya maamul wanaaga.

Wasiir Juxa waxaa uu sheegay in maamul Goboleedyada looga baahan yahay inay qeyb ka qaataan in lameel mariyo Sharciga Gobolaha Deegaanka si dhaqso loo helo Gole Deegaan.

Wuxuu sheegay in qorshaha socda uu yahay dhismaha golaha deegaanka, meelaha qaar suuragal ay ka noqotay in la dhiso, halka meelaha qaarna weli caqabad dhanka ammaanka ay ka taagan tahay.

Waxa uu sheegay in Golaha Deegaanka ay sameysteen kaliya dhamaan Degmooyimka Somalia Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool oo kaliya waxaana ay ka kooban yihiin 27 Qof.

Sidoo kale, waxa uu qiray in maleeshiyada al-Shabaab ay caqabad muuqda ku tahay horumaro kala duwan oo dalka laga hirgelin lahaa, iyadoo Magaalooyinka qaar ee Koonfurta Somaliya ay go’doomiyeen Shabaab.

Dhinaca kale, Juxa ayaa sheegay in intooda badaan meel wanaagsan u marayo dhisitaanka Golaha Deegaanka iyo dhameystirka Sharciga Golaha Deegaanka balse ay muhiim tahay in leysla ogaado caqabadaha jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this