Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro:Dad shacab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Shabeelada Hoose iyo faahfaahin laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Degaanka Daarul-salaam oo hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Duqeyn Diyaaradeed Xalay ay ka dhacday Degaanka Daarul-salaam,waxaana la sheegay in Duqeynta ay Fuliyeen Illaa saddex Diyaaradood.

Dad shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn Diyaarad Drone ah, xalay ay ka fulisay deegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha, waxaana halkaasi ku dhintay dad beeraley ah.

Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday duqeyntaas oo beeraleey ah, kuwaasi oo ku sugnaa Beertooda xilliga duqeynta ay dhaceysay.

Deegaan dhanka Koonfur Bari kaga beegan Daaru Salaam Gobolka Shabellaha hoose, ayaa laga soo qaaday maydadkaan, waxaana Sawiro ay soo qaadeen Shabaab ay muujinayeen maydadka saddexda ruux ee duqeynta ku dhintay.

Lama oga Diyaaradaha wax duqeeyay dalka laga leeyahay,waxaana sidoo kale duqeynta aan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Ehelada Dadkaan duqeynta lagu dilay ayaa sheegay xilliga duqeynta ay dhaceysay saddexdaan ruux inay ku mashquulsanaayeen Waraabinta beer ku taallo deegaanka Daaru Salaam.

Daaru Salaam, ayaa waxa ay ku taalla Gobolka Shabellaha hoose, waxaana ay ka mid tahay deeganada ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab.

Duqeynta laga Fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku soo aadeysa,iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in Weeraro Qorsheysan oo Ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen Degmada Jilib lagu dilay illaa 81 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Duqeyn-5.jpg?resize=640%2C480Duqeyn-4.jpg?resize=640%2C480Duqeyn-3.jpg?resize=640%2C480Duqeyn-2.jpg?resize=640%2C480Duqeyn-1.jpg?resize=640%2C480

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this