Sign in to follow this  
Deeq A.

Seddex Diyaaradood oo Xalay duqeyn xoog leh ka geystay Shabeelada Hoose iyo meydadka dad shacab ah oo saaka la helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Degaanka Daarul-salaam oo hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Duqeyn Diyaaradeed Xalay ay ka dhacday Degaanka Daarul-salaam,waxaana la sheegay in Duqeynta ay Fuliyeen Illaa saddex Diyaaradood.

Goobjoogeyaal ku sugan Degaanka la duqeeyay ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Duqeynta ay ka dhacday Dhul Beero ah oo duleedka ka ah Degaanka Daarul-salaam.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Diyaaradaha ay Duqeeyeen Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaankaas,waxaana sidoo kale la sheegay in Dad Rayid ah Duqeynta lagu dilay.

Qof kamida Dadka Degaanka ayaa KNN u sheegay in Meydadka Saddex Qof oo Shacab ah Saakay laga helay Beer u dhow Degaanka Daarul-salaam,iyadoo Dadkaas ay ku dhinteen Duqeynta Diyaaraduhu  ay fuliyeen.

Lama oga Diyaaradaha wax duqeeyay dalka laga leeyahay,waxaana sidoo kale duqeynta aan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Duqeynta laga Fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku soo aadeysa,iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in Weeraro Qorsheysan oo Ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen Degmada Jilib lagu dilay illaa 81 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Al-shabaab dhankooda weli war kama soo saarin Duqeynta ka dhacday Gobollada Shabellaha iyo Jubbada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this