Sign in to follow this  
Deeq A.

Michael Keating oo 2 arrin muhiim ah uga digay Ra’isul wasaare Kheyre (Akhriso Qodobada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia, Michael Keating, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan magaalada Muqdisho uu kula qaatay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Michael Keating, waxa uu sheegay in ahmiyada is aragooda uu ahaa inay isla qaada dhigaan hanaanka lagu gaari karo amni iyo xasilooni ka hirgasha Somalia.

Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Kheyre uu u sheegay arrimo dhowr ah oo sahli kara in Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho laga dhaqan galiyo amni iyo xasilooni deeqda dhammaan Umadda Soomaaliyeed.

Keating, waxa uu xusay in talaayin dheeraad ah uu siiyay Ra’isul wasaare Kheyre maadaama Somalia ay kusii kordheyso weerarada Alshabaab ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Michael Keating, waxa uu Kheyre u sheegay in dowladiisa uu uga digaayo inay dhaqan galiso laba qodob oo kala ah:

1- In Khilaafyada ka dhex aloosan Siyaasiyiinta Soomaalida lagu dabaqo Amniga iyo xasiloonida ka jirta Somalia.

2-In Madaxda Gobolada iyo Siyaasiyiinta madaxa banaan ay Siyaasadooda u adeegsadaan dano gaara oo ku qotoma maslaxadooda.

Michael Keating, ayaa sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre uu aad usoo dhaweeyay qodobada ay kawada hadleen waxa uuna carab dhabay in QM ay kaalin weyn ka qaadan doonto in la kala ilaaliyo maslaxada Qaranka iyo kan gaarka ah.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Michael Keating, ayaa isla fahmay in si wada jira looga qeybqaato nabadeynta Somalia, maadaama ay Somalia cagta saareyso dhabaha horumarka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this