Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dhalinyaro ka tirsan al-Shabaab iyo Qaraxyo ay wateen oo lasoo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo watay Qaraxyo iyo Hubka nooca fudud ayaa waxaa lagu qabtay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan maamulka Degmada xili ay ku guda jireen howlgal lagu xaqiijinaayay amniga Degmada.

Ciidamada ayaa inta ay ku guda jireen howlgalka gacanta ku dhigay ilaa laba maleeshiyo oo qaraxyo watay.

Siyaad C/qaadir Muxumed, oo ah Taliyaha ammaanka Degmada Luuq, ayaa sheegay inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsan, oo bahwadaag lahaa kuwa iminka ay qabteen ciidamada.

Taliyaha wuxuu sheegay hubka ay soo qabteen inay ka maqan yihiin saddex bistooladood oo rag Shabaab ka tirsan ay ku shaqeeyaan, kuwaasi oo ku sugan Degmada Luuq iyo hareeraheeda.

Maleeshiyaadka labada ah ee gacanta lagu soo dhigay isla markaana muuqaalkooda uu ka muuqdo warbixinta ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax oo qirtay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Luuq-2.jpg?resize=640%2C360Qaraxyo-1.jpg?resize=640%2C360Qaraxyo-2.jpg?resize=640%2C360

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this