Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabaab oo maleeshiyaad farabadan looga laayay dagaal qaraaran oo ka dhacay Baay (Tirada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal qaraaran oo ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Baay.

Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo, waxa uuna ka danbeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan dowlada oo kusii jeeday Magaalada Baydhabo ay jidka u galeen al-Shabaab.

Dagaalka ayaa qaatay ku dhawaad laba saac waxaana halkaa ka dhacay Khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Inta la ogyahay dagaalka ayaa waxaa maleeshiyaadka al-Shabaab looga dilay ku dhawaad 19, halka ciidamada dowlada looga dilay dagaalka ilaa 6 Askari oo ku jiray furunta dagaalka.

Sidoo kale, ciidamada dowlada ayaa dagaalka ku furtay laba gaari nooca dagaalka ah oo ay ka carareen maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan shaacisay dagaal ka dhan ah al-shabaab kaa oo la doonaayo in lagu soo afjaro dhaqdhaqaaqa ay maleeshiyaadka kawadaan Gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this