Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyay tirada ay Alshabaab uga dileen duqeymihii dhacay Saacadihii ugu danbeeyay (Akhriso tirada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeen u hadashay Taliska Mareykanka oo lagu magacaabo Samantha Reho, ayaa sheegtay inay dileen ku dhawaad 100 maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Samantha Reho, ayaa sheegtay in maleeshiyaadkaas lagu dilay weeraro is xigxigay oo todobaadkan ka dhacay Somalia, kuwaa oo ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Afhayeen Samantha Reho, waxa ay tilmaantay in weeraradaas ay kala dhaceen sabtidii iyo Jimicihii lasoo dhaafay, waxa ayna sheegtay in laga gaaray dantii laga lahaa.

Waxaa ay sheegtay in howlgalladii ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha dhexe Al-Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare ballaaran, isla markaana la beegsaday goobo ay ku shirsanaayeen, sida ay sheegtay Samantha Reho.

Nuqul kamid ah haddalka Mr Samantha Reho ayaa ahaa ”Waxaan ku dilnay howlgaladii dhacay ku dhawaad boqol maleeshiyo oo Shabaab ka tirsan”

”Waxaan qireynaa in duqeymaha dhacay uu jab xoogan kasoo gaaray al-Shabaab maadaama aan la beegsanay xarumo waaweyn iyo goobo qarsoodi ah oo uu uga socday shir”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia Cabdriaxmaan Yariisow ayaa maalinimadii shalay sheegtay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowlada lagu dilay xubno ka tirsan al-Shabaab.

Sidoo kale, waxa uu sheegay ina lagu burburiya xero ay al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Yariisow ayaa ayaa sheegay in weerar qorshaysan oo hay’adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay 81 maleeshiyo.

Dhinaca kale, Afhayeenka Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa beeniyay hadalka Wasiirka warfaafinta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this