Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo soo bandhigtay Magacyada Rag ay madaxooda lacag dul dhigtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) –Ururka Al-Shabaab ayaa u muuqdo inuu awood dheeri ah kusii yeelanayo gudaha dalka Kenya, kadib weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay deegaano ka mid ah dalkaas.

Haddaba Wasaaradda amniga gudaha Dalka Kenya ayaa soo bandhigtay Magacyada labo Nin oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Xarakada AL-shabaab islamarkaana ay dowladda dooneyso in lasoo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan nolol iyo geeri.

Axmed Siciid Cumar iyo Cali Zira ayaa lagu kala sheegay Magacyada labaas dhin,  kuwaas oo ay dowladda Kenya ku sheegtay in ay dambiilayaalyihiin islamarkaana dowladdu ku daba jirto.

Laba Malyan oo Lacagta Kenya ah ayaa loo ballan qaaday in la siin doono cid kasta oo keento macluumaad iyo xog ku saabsan labadaan Shaqsi ee sida weyn loo raadnayo.

Wasaaradda amniga gudaha Kenya ayaa sawirrada iyo magacyada Raggan raacisay Taleefannada laga heli karo laamaha amniga,waxaana ay shacabka Kenya ka codsatay in ay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adaha ku dabajira Raggan.

Barta Twitterka ee Wasaaradda Amniga Kenya ayaa dadka Kenyaanka ah qaarkood ku dhaleeceynayeen dowladda in aysan wax ka qaban dhibaatadad Qabiilka Lua ku heysata dhinaca Uganda iyada oo dowladda ku dhaliilay in aysan arrintaas wax ka qaban.

Welback.png?resize=581%2C139

Sidoo kale dadka qaar ayaa dowladda ku dhaliilayay in Saraakiisha Wasaaradda amniga gudaha qaarkood ay yihiin dambiilayaal mas’uul ka ah dhimashada 100 Qof oo doorashadii lagu muransanaa ee bishoo la soo dhaafay ka dhacday Kenya la dilay.

Beg.png?resize=578%2C133

Dadka qaar ayaaba Bogga wasaaradda ku qorayay in xitaa haddii Raggan ay raadinayaan ay ku jiraan sariirtooda hoosteeda aysan la wadaageyn,maaddaama kuwa la raadinayo iyo kuwa raadinaya aysan waxba is dhaamin sida ay ku doodayaan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso waqti ay dowladda Kenya cadaadis badan kala kulmeyso weerarada ay Al-Shabaab ka geesanayaan gudaha dalkaas.

Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalamo dagaalyahano badan oo kasoo jeedo dalka Kenya, waxaana dhawr jeer shaashadaha laga daawaday Mintidiin ka tirsan Shabaab oo Kenyaan ah kuwaas oo farrin adag u dirayo dalkooda.

 Caasimada Online
Xafiiska Beydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this