Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Djabouti oo Ciidamo u soo direeyso Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlada  Jabuuti ee ciidamadoodu ay qeybta ka yihiin ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa waxa ay ku dhawaaqday in ciidan dheeri ah ay u soo dirayaan soomaaliya.

Sakariye Shiikh Ibraahim oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ee lagu diyaarinayo ciidamo dhawaan uu dalkaasi ka codsaday in ay soomaaliya u soo diraan madax weyne Maxamed Cabdulaahi  Farmaajo.

Taliye Sakariye ayaa tilmaamay in ciidanka ay Jabuuti soo direyso u dhawaan tababar u soo idlaaday  looguna talagalay in ay si gaara uga howlgalaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka galmudug gaar ahaan xarunta ku meel-gaarka ah ee uu hada ku shaqeeyo maamulka galmudug ee Cadaado.

Ciidankaan ayaa la filayaa in ay dhawaan soo dirto dowlada jabuuti wexeyna qeyb ka noqon doonaan tirada ciidanka hiil-walaal ee hada ka howlgala bartamaha soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayeey eheyd markii uu madax weynaha  soomaaliya safar ku tagay  wadamo dhowr ah oo uu kujiro dalka Jabuuti kuwaasi oo uu ka dalbaday in dowladiisa ay ka taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay iclaamisay.

PUNTLAND POST

The post Dowlada Djabouti oo Ciidamo u soo direeyso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this