Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Jabuuti oo hal sabab aawgeed u kordhineyso ciidamada ka jooga Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in Somalia ay usoo direyso ciidamo xoogan oo ka garab dagaalama kuwa dowlada Somalia.

Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay ka qeybqaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab oo ay qaadeyso dowlada Somalia.

General Zakariye Sheekh Ibraahim oo ah Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jabuuti, ayaa sheegay in Somalia ay u dirayaan ciidamo hor leh.

Taliyaha ayaa sheegay Ciidamadan ay u soo dirayaan Somalia in ay codsatay Xukuumadda Federaalka Somalia, wuxuuna tilmaamay Ciidamadan in ay si gaar ah uga howlgeli doonaan magaalooyin ay kamid tahay Cadaado.

Waxa uu intaa raaciyay in qeybta 5aad ee Ciidamada Hiil walaal ay soo dhameysteen tababar muddo ay ku soo jireen, waxaana dhowaan ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Sidoo kale, dalabka lagu keenaayo Somalia ciidamadan ayaa waxaa horay u jeediyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” oo dhawaan booqasho ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda iyo Ethiopia.

Dhinaca kale, dalalka uu Farmaajo weydiistay ciidamada ayaa kamid ah wadamada ay ciidamada ka joogan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this