Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dagaal culus dib ugula wareegay Basra iyo deegaano kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Ururka Al-shabaab ayaa dagaal kula wareegay degaaanka Basra oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo deegaano kale, kadib dagaal ay la galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya, oo ay maalmahan isku hayeen halkaas..

Dagaalkan oo bilowday duhurnimadii maanta ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare nafeed xooggan, sida ay wararka sheegayaan.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, balse waxaaa jira khasaare kala duwan oo labada dhinac soo gaaray.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya Shabaabka sidoo kale in ay la wareegeen degaanka Alifoow.

Xaalada degaanka Basra ayaaa kacsan, waxaaana mar kale la filan karaa, sida ay sheegeen dadka degaaanka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku soo qoreen in ay la wareegeen deegaanadii lagu  dagaalamay gaar ahaan deegaanada Basro iyo Daniga Baalow oo hoostaga degmada Balcad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this