Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland oo Xir-xiray Kooxo la sheegay inay Qorsheynayeen Falal Amni-daro

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa-Somailand_police.jpg?resize=845Hargeysa (PP) ─ Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa oo ah xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in ciidamada ammanka ay gacanta ku dhigeen kooxo la sheegay inay doonayeen inay falal amni-darro geystaan inta lagu jiro doorashada madaxtinimada ee Somaliland oo lagu wdo inay dhacdo toddobaadka soo socda.

Hawl-gal ay ciidamadu sameeyeen ayaa waxay kusoo qabteen toddoba qof oo la sheegay inay qorsheynayeen inay falal amaan-darro ah ay ka fuliyaan deegaannada maamulka, iyagoo markiiba xabsiga u taxaabay.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa waxay gudaha Suuqa Hargeysa ku qabteen laba nin oo la sheegay inay wateen hub, kuwaasoo la sheegay inay xiriir dhaw la lawhaayeen todoba qof ee ciidamadu ay hawlgallada ku qabteen.

Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka amniga Somaliland ay adkeeyeen amaanka guud ee deegaanada Somaliland, iyagoo ka cabsi-qabo in weerarro ay ka dhacaan deegaannada maamulkaas inta ay socoto doorashada madaxnimo.

Ugu dambeyn, Deegaannada maamulka Somaliland ayaa haatan waxaa laga dareemayaa diyaar-garow ku aaddan doorashada madaxtibnimada ee lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacda, maadaama lasoo gaba-gabeeyay ololayaashii doorashada ee ay xisbiyadu sameynayeen.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Somaliland oo Xir-xiray Kooxo la sheegay inay Qorsheynayeen Falal Amni-daro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this