Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo xalay la kulmay Xildhibaanadii sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf

Recommended Posts

Deeq A.   

farmaajo-4.jpg?resize=902%2C602Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay in ka badan 50-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug, kuwaasoo sheegay inay Madaxweyne Xaaf xilkii ka qaadeen.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hawlan in lasoo af-jaro khilaafaadka ka taagan Galmudug, ayaa xildhibaannadii uu la kulmay ka wareestay xaalada ka jirta deegaanka iyo go’aankii ay qaatayn 26-kii Bishii September ee sanadkan ee la xiriirtay xil ka qaadistii Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa Madaxweynaha u sheegay sababaha ay go’aanka u qaateen, waxaana markii dambe la isku raacay in la raadiyo xalka maamul-goboleedka Galmudug oo dhawaanahan ay dhibaato aad u weyn ka dhex-jirtay.

Farmaajo ayaa xildhibaannada ka dalbaday in qoorta ay dhiibtaan kuna qancaan dadaallada uu wado ee xalka Galmudug lagu radinayo, iyadoo la sheegay inay ka ogolaadeen soo jeedintan.

Dhanka kale, Kulan kale oo si rasmi ah loogu soo af-jarayo xiisadda iyo khilaafka ka taagan Galmudug ayaa lagu ballamay, waxaana kulankaas iclaamiyay Madaxweynaha Somalia.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa horay ula kulmay dhammaaan madaxda Galmudug, waxayna arrimahaan oo dhan muujinayaan sida ay uga go’antahay Madaxweynaha Somalia in xal loo helo Galmudug iyo Soomaaliya oo dhan.

PUNTLAND POST

The post Farmaajo oo xalay la kulmay Xildhibaanadii sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this