Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo aan weli ka quusan lunsashada hal bilyan oo dollar & tirada musuqa loo hayo oo sii kordheyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dalka Sucuudi Carabiya, in kabadan 200 oo qof ayaa su’aalo laga weydiiyay lacago musumaasuq lagu lunsaday oo gaaraya ilaa hal bilyan oo doolar.

Sucuudiga ayaa hadda wada baaritaan musuqmaasuq oo ballaaran, kaasi oo lagu bartilmaameedsanayo dadka looga shakisan yahay in ay lacago lunsadeen.

Xeer ilaaliyaha guud ee Sucuudiga Sheekh Sacuud Al-Mojeeb ayaa sheegay in tan iyo sabtigii la soo dhaafay 208 qof su’aalo la weydiiyay.

Toddobo qof oo ka mid ah dadkaasi ayaa markii dambe la fasaxay oo aan wax dambi ah lagu helin.

Amiirro ka tirsan boqortooyada, wasiirro iyo dhawr qof oo ganacsato ah ayaa xabsiga la dhigay kuwaasi oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Suxufi ka tirsan Idaacada BBC-da oo Sucuudiga jooga ayaa sheegaya in musuqmaasuqu uu kal hore hareeyay dalkaasi, waxaana hadda ay dadku is weydiinayaan baaritaannada socda halka ay ku dambeyn doonaan.

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this