Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo Markii Ay Ku Fashilantay Amniga Sheegtay Iney La Dagaallameyso Warbaahinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankii Golaha Wasiirada ayaa si adag loogu hadlay baahinta wararka been abuurka ah iyo xaaladaha lagu kicinayo dadka Soomaaliyeed. Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in talaabo adag laga qaadayo dadka mar walbo bulshada usoo bandhiga wararka been abuurka ah. Xukuumada ayaa sidoo kale sheegtay in aan loo dulqaadan Karin in la kiciyo oo xaalad jahwareer la geliyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in talaabo laga qadayo cid walbo oo bulshada kicisa una soo bandhigta warar been abuur ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in maalmihii dambe Magaalada Muqdisho ay ku soo badanaayeen dad baraha bulshada ku faafinaya warar been abuur ah oo ay ka mid ahaayeen in meelo uusan qarax yaalin la dhaho qarax baa mee hebel yaalo sida uu wasiir ku xigeenka sheegay. Ka dib qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee loo adeegsaday gaariga xamuulka ahaa ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay dadka reer muqdisho waxa ay bilaabeen iney ka shakiyaan gaadiidka waa weyn ee xamuulka. Waxaana mararka qaar dhacday in ciidamada amaanka ay si kedis ah ku xeraan wadooyinka Muqdisho oo laga shakiyo gaadiidka qaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this