Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Mareykanka oo weerar ka dhacay Somalia ku laayey Shabaab badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Djibouti (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in dhowr mintidiin ah ay ku dileen duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacday Soomaaliya, xilli maamulka Trump uu sare u qaadayo weerarada ka dhanka ah ah xagjiriinta Geeska Afrika.

Weerarkan ayaa galabnimadii khamiista ka dhacay gobolka Baay, oo qiyaastii 160 KM galbeed ka xiga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ee loo soo gaabiyo AFRICOM.

AFRICOM kama aysan jawaabin su’aal ku saabsaneyd haddii weerarkan ay waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarkan lagu qaaday wada shaqeyn lala yeeshay dowladda federaalka Soomaaliya.

Weerarkii ugu dambeeya ayaa ah kii 15-aad ee ciidamada Mareykanka ay sanadkan ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya, sida uu sheegay website-ka Long War Journal ee ururiya xogta weerarada ciidamada Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Djibouti
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this