Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Muqdisho oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo sanaadiiqda Ra’yiga dadweynaha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta taba-barka Booliiska Somaaliyeed ee General kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax badan laga beddelayo hannaanka sugida amniga caasimadda Somaaliya.

Taliye Afrax ayaa tilmaamay in  ay samaynayaan qorshe cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho,iyadoo markii ugu horreysay la hirgelinayo sanaadiiq lagu uruurinayo ra’yiga dadweynaha ee ku aaddan horumarinta ammaanka.

Shacabka caasimadda Muqdisho,ayuu ka codsaday in ay Booliska ka gacan siiyaan qorshahan cusub si loogu guulaysto xasilinta magaalada,halka uu ciidankana ugu baaqay in ay shacabka soo dhoweystaan,taaso uu ku tilmaamay”habka ugu fiican ee lagu wado shaqeyn karo”.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey bilihi ugu dambeeyey,waxaana lagu qaaday weerarro argagixiso dhowr ah,kuwaaso uu ku jiray qaraxii ugu khasaaaraha badnaa ee Taariikhda Soomaaliya,kaasoo lagu beegsaday Isgoyska Soobe,islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 358 ruux,laakiin hay’adaha ammaanka ee Muqdisho,sida Booliiska,Nabad Sugidda iyo kuwa Xasilinta caasimadda ayaa dhankooda sii waday hawlgallada,lamana oga qorshahan cusub iyo sida u wax uga beddelayo amni-darrada magaalada

PUNTLANDPOST

The post Magaalada Muqdisho oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo sanaadiiqda Ra’yiga dadweynaha. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this