Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Difaaca oo u digtay Ciidamada Somalia iyo AMISOM ee Dagaalka la galaya Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG_A0A700-0B821E-52B0AE-008FCF-4A498F-9Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa digniin kasoo saartay hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay Ciidanka Millateriga DF iyo kuwa AMISOM ay fulin doonaan gobollada dalka.

Ciidamada Huwanta ah ayaa looga digay inay askar ahaan u adeegsadaan carruurta da’doodu ka yar tahay 18-jirka iyo inay ku dhaqaaqaan boobka hantida shacabka deegaanada laga saaro ururka Al-shabaab inta ay socdaan hawl-gallada.

Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Prof. Sokor Jaamac Geyre ayaa ugu baaqay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM inay ilaaliyaan Qorshaha dowladda u dhigtay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

“Waxaa Khatar badan ka dhalan kartaa askareynta caruurta ka yar 18-jirka meelaha ay ciidamadu gaaraan, waxaa kaloo ka digaynaa in ciidanku boob u geystaan dadka ay ugu tagaan goobaha caddowga laga sifeynayo,” ayuu yiri Sokor Geyre.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab wuu bilowday, Ciidanka Somalia iyo AMISOM waxay la wareegeen deegaano dhowr ah, Ciidamada waxaan ugu baaqayaa inay wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, madaxda dalka ayaana dhiirri-gelinaya Ciidamada Qaranka.”

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa Somalia iyo AMISOM ay gaareen deegaanno dhar ah si ay dagaal ugu qaadaan Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Difaaca oo u digtay Ciidamada Somalia iyo AMISOM ee Dagaalka la galaya Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this