Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Ciidamada Taraafikada Soomaaliya oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyihii Ciidamada ilaalada wadooyinka Cali Maxamuud Cali (Shariif) ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, Waxaa geerida Taliyaha Saxaafada u xaqiijiyey eheladiisa ku sugan Gobalka Banaadir

Taliyaha ayaa mudooyinkii danbe xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayay isbitaal ku yaal dalka hindia, balse markii danbe oo losoo celiayay Magaalada Muqdisho uu Xalay ku geeriyooday.

ehelada Marxuumka ayaa u sheegay iney Xaaladiisa kasii dareysay marba marka ka danbeeso Xalayna uu Alle qadaray inuu geeriyoodo.

General Cali Maxamed Cali, ayaa howlo badan uqabtay Qaranka intii uu noolaa isagoo laba jeer noqday Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Xamar, wuxuuna kala wareegay General Cali Gaab.

Marxuum Cali Maxamuud Cali (Shariif) ayaa lagu wadaa maanta in aas kiisa ay ka soo qeyb galaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Taraafikada Soomaaliya iyo Ehelada marxuumka.

PUNTLAND POST

The post Taliyihii Ciidamada Taraafikada Soomaaliya oo Geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this