Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga bixiyey dagaalka la qorsheynaayo in al-Shabaab looga saaro dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wasaarada ayaa sheegtay in Dagaalka uu yahay mid waajib ah oo uu Iclaamiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed ”Farmaajo”.

Prof. Sokor Jaamac Geyre oo ah Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia, ayaa sheegay in iminka ay ku howlan yihiin abaabul dagaal oo lagu doonaayo in maleeshiyaadka Alshabaab looga saaro dalka.

Agaasimaha oo u waramaayay Idaacada VOA-da ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu dhawaan ka bilaaban doono guud ahaan Gobolada dalka sida uu qorshuhu yahay.

Wuxuu sheegay Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM in ay diyaar u yihiin sidii ay al-Shabaab uga saari lahaayen dhamaan degmooyinka iyo degaanada ay kaga sugan yihiin dalka, si Soomaaliya ay mar kale u hanato qaranimadeedii iyo midnimadeedii.

Waxa uu sheegay in Howlgalada ka dhanka ah al-Shabaab ay bilowdeen, hadana ay marayaan meelo wanaagsan kaliyana ay ka dhimantahay in ciidamada is garabsanaaya ay xoojiyaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan.

Sidoo kale, Prof. Sokor ayaa sheegay in ay diyaarsan yihiin Ciidamada Soomaaliya balse ay sugayaan oo kaliya amar ka soo baxa Madaxda Qaranka oo ku aadan in la dhaqaaqo.

Awoodda Al-Shabaab ayuu ku sheeegay in ay tahay mid aad u liidato oo aysan ka hor imaan karin Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Dhinaca kale, jidgooyooyinka ay dhigeen al-Shabaab ayuu sidoo kale sheegay inaysan u hakan doonin ciidamada, waxa uuna cadeeyay inay kaashanayaan khibrado ka fog kan ay wataan maleeshiyaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this