Sign in to follow this  
Deeq A.

Kolonyadda UN-ka oo maanta labo qof ku jiirey Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac  ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee Konoco ka dib markay jiireen gaari yar oo labo qof ay la socdeen kolonyo ka mid ah gadiidka UN –ka oo ishareer yaacaya wadada.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa loo xaqiijiyay inay ku dhimatey shilkaan gabadh la socotey gaariga yar, halka dhaawac culus uu soo gaarey darawalkii gaarigaas oo lagu magacaabo Cabdiqani Faruur-dheer.

Dhacdadaan oo ahayd mid argagax leh ayaa mid ka mid ah gadiidka kolonyadda UN-ku  dusha ka mareen gaari yar oo ay la socdeen labadaas qof oo midkood geeriyooday, xilli gadiidka UN-ku si xawliya isu hareer yaacayeen jid cadaha loo maro garoonka macmalka ah ee Konoco.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Kolonyadda UN-ka oo maanta labo qof ku jiirey Garowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this