Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa lahaa Gaarigii raaxada ahaa ee maanta lagu Qarxiyay magaalada Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayaa qaraxii gaariga oo ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana gaarigaasi watay ruux ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliya.

Sida ay sheegayaan Saraakiisha Hay’addaha ammaanka qaraxa ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Imigration-ka oo ku taallo wadada Shaqaalaha.

Aadan Cismaan Xuseen oo ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska degmada Hodan, ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi uu lahaa Dhaqtar lagu Magacaabo Xaashi Dhiblaawe.

Taliye ku-xigeenka waxa uu sheegay in Dhaqtarka lugtiisa midig ay Go’day isla markaana haatan lagu daweynayo Isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Dr Xirsi Dhiblaawe ayaa la sheegay in uu ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada Wadnaha, isla markaana uu ka howlgalayay Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo u dhaw Iskuulka Hoyga Xamar Xaruntiisa KM4.

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan waxa ay sheegeen inay ka dambeeyeen iyaga oo gaariga qaraxa ay ugu xireen Sarkaalkaasi ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Somaliya ahna Dhakhtar ku takhasusay wadnaha.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka jirin falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Magaalada ka dhacaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this