Sign in to follow this  
Deeq A.

INJ. YARIISOOW: QM waxaan ka codsanaynaa inay xoojiyaan Doorka Dowladnimo ee Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir_Yariisoow-1.jpg?resize=845%2C634 Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa warbixin kooban oo ku aaddan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha QM, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan.

Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisoow] oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka.

“Waxaan idin kaga mahad-celinayaa dadaalkiina ku aaddan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha QM iyo Horumarka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso,” ayuu yiri Wasiir Yariisoow.

Kulankaan ayaa ahaa mid labo maalmood u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda. Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ugu dabmeyn, Wasiir Yariisow ayaa ugu dambeyntii siiyay warbixin ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka.

Shir_Yariisoow-3.jpg?resize=845%2C634
Shir_Yariisoow-2.jpg?resize=845%2C634

PUNTLAND POST

The post INJ. YARIISOOW: QM waxaan ka codsanaynaa inay xoojiyaan Doorka Dowladnimo ee Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this