Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Kolonyo Ciidamada Kenya ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in Qarax Miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan booliska Dowladda Kenya.

Qarax oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq,waxaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab in weerar daba-gal ahaa in ay ku qaadeen ciidamo katirsan Booliska Kenya xilli ay marayeen wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq.

Shabaab waxa ay sheegeen in labo gaari oo ah kuwa loo yaqaan Kooyalka lagu gubay weerarka.

Sidoo kale Al Shabaab waxay sheegtay in hub u badan qoryaha G3-ga ay dagaalyahanadoodu kusoo qabsadeen qaraxii  ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weerarka  ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

PUNTLAND POST

The post Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Kolonyo Ciidamada Kenya ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this