Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kaaga baxay baaqa uu Madaxweyne Farmaajo u diray shacabka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa mar kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybqaatan dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka Alshabaab.

Farmaajo, ayaa sheegay in shacabka laga doonaayo inay qaatan Hubka isla markaana iska celshaan waxa uu ugu yeeray argagixisada u jilbeysan daadinta dhiiga shacabka.

Waxa uu tilmaamay in fal waliba oo ay geystaan ay ku dhameeyan dad shacab maati ah, waxa uuna ku baaqay in si siman loola dagaalamo.

Wuxuu sheegay Farmaajo hadii madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay isla qaateen istiraatiijiyad mideysan in shacabka qeybahooda kala duwan dhankooda looga baahan yahay garab siinta Ciidanka xoogga dalka.

Farmaajo waxa uu ciidamada Qalabka Sida ee DFS ka dalbaday in ay adkeeyan ammaanka dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin shacabka iyo xuduudaha laga soo galo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in dagaalka la qaadi doono ay kusoo afjari doonaan jiritaanka maleeshiyaadka Al-shabaab ee dhibta ku haya shacabka.

Geesta kale, waxa uu dhankiisa ka ballanqaaday inuu ka xoojin doono wanaajinta ciidamada u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this