Sign in to follow this  
Deeq A.

Baabuur qaraxyo ay ka buuxaan oo Gaalkacyo ku jira iyo cabsi ka taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto cabsi la xiriirta in maleeshiyaadka Alshabaab ay diyaarinayaan weeraro ismiidaamin ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka ay gudaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo galiyeen ilaa laba Gaari nooca raaxada ah oo lagu diyaariyay Qaraxyo tan culus, sida laga soo xigtay Saraakiisha amaanka.

Gaadiidka miineysan ee gudaha u galay magaalada ayaa la xaqiijiyay inay kasoo galeen banaanka magaalada Gaalkacyo, waxaana socda baaritaan looga hortagaayo gaadiidkaasi.

Food Maxamed oo kamid ah Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay in gaadiidkaasi lagu soo wargaliyay laba cisho ka hor isla markaana uu socdo baaritaan lagu baadi-goobaayo labada gaari.

Waxa uu intaa raaciyay in gaadiidkaasi lala damacsan yahay xarumaha maamulka, balse ciidamada amaanka ay ku guda jiraan feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale, Aadan Nuur Qaal oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay hayaan xog ku aadan in Al-shabaab ay Qaraxyo Ismiidaamin iyo weeraro kala duwan ay ka geysan doonaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayuu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan ka hortagida weerarada ay Al-shabaab qorsheeyen in ay geystaan.

Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaaya in maleeshiyaadka Alshabaab ay Qaraxyo ka geystaan goobaha ay ku caweeyan shacabka aan waxba galabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this