Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Si Kumeel Gaar Ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Recommended Posts

Deeq A.   

Digreeto kasoo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed ย Cali Gaas kuna saabsan magcaabid si kumeel gaar ah Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bursaalax.

Xeer Madaxwayne Lr. 130 October 27 โ€“ 2017 , kuna saabsan magcaabid si kumeel Gaar ah Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Degmada Bursaalax.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo Waaya Aragnimadooda shaqo

Wuxuu Xeeriyay :

1.Waxaa Maxamed Sulaymaan Diiriye si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiyaha Degmada Bursaalax.

2.Waxaa Bashiir Maxamed Guuleed si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bursaalax.

3.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo, wuuna
Saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

The post Madaxweynaha Puntland oo Si Kumeel Gaar Ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this