Sign in to follow this  
Deeq A.

FAAHFAAHIN: Nin Gaari Dad Ku Jiirsiiyay New York (HALKAAN KADAAWO)

Recommended Posts

Deeq A.   

HALKAAN KADAAWO

 

 

Shan qof oo saaxiibo ahaa oo u dhashay dalka Argentina ayaa ka mid ah kuwa lagu dilayweerarkii gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada New York.

Siddeed qof ayaa lagu dilay, 11 kalena waalagu dhaawacay weerarka. Nin waday gaari xamuul ah ayaa dhex galay waddo loogu talagalay baaskiillada oo ki tirsan xaafadda Lower Manhattan.

Dhimashada shanta qof ee Argentina waxaa xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkooda.

Waxay qeyb ka ahaayeen 10 qof oo New Yor u tagay dabaaldegga sanad guurada 30-aad ee ka soo wareegatay markii jaamacadda ay ka qalin jebiyeen, sida warbaahinta ku warrameyso.

Sida wasaaradda ay sheegtay, ragga oo dhan waxay da’dooda u dhexeysay 49-49 sano. Kuwa dhaawacmay ayaa weli lagu daawaynayaa.

Mid ka mid ah dadkii dhintay wuxuu u dhashay dalka Belgium, halka labada kale aan weli la sheegin dalka ay ka soo jeedaan.

Nin 29 sano jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Uzbek ayay booliska dhaaweceen, markii uu isku deyay in uu gaariga ka dego, waxaana lagu tyilmaamay weerar argagixiso.

Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii.

Xog uu helay telefishanka CBS ayaa tibaaxday in qoraal baabuurka uu ninkaasi waday laga helay lala xidhiidhiyey kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Eedaysanaha oo sida muuqata deganaa gobolka Florida ayaa la sheegay in isbitaal loo qaaday.

Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, ayaa yidhi “wuxu ahaa fal argagixiso oo fulaynimo ah oo lala beegsaday rayid aan waxba galabsan”.

Waxaanu intaa ku daray oo yidhi “waanu ognahay in falka looga gollahaa in la nagu niyad jabiyo laakiin waxa kale oo aan ognahay in dadka ree New York ay yihiin dad adag, weligayo fal colaadeed oo looga dan leeyahay in lanagu cabsi geliyo u liici mayno”

Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray waxa uu ku yidhi ” waxaan tacsi iyo duco ba u dirayaa dadka ku waxyeelloobay iyo qoysaska dadkoodii ku waayey falka argagixiso ee ka dhacay magaalada New York. Alle iyo dalkiinuba way idinla jiraan”.

Halkaan ka akhriso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this