Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo dhinacyada isku khilaafsan Galmudug ku heshiisiinaya Madaxtooyada (HALKAAN KADAAWO)

Recommended Posts

Deeq A.   

large-1-300x165.jpeg

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta kula kulamy xafiiskiisa dhinacyada isku haya siyaasadda maamulka Galmudug.

Wararka aan ka helayno Villa Soomaaliya, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Xalay Kulamo gooni gooni ah la yeeshay labada dhinac, isagoo kala hadlay soo afjarida xiisadaha ka taagan Galmudug.

Kulanka hore wuxuu Madaxweynaha la qaatey Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Maalin.

Sidoo kale, waxa uu qaabilay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf” oo isla arinta Galmudug iyo qaabkii looga gudbi lahaa dhibaatada taagan kala hadlay, waxaana labada dhinac aqbaleen in la dhex-dhexaadiyo.

Illo-wareedyo ku sugan Madaxtooyada ayaa Warsidahan usheegay in Madaxweyne Farmaajo uu rajo wanaagsan ka qabo Xalinta Khilaafka Galmudug, oo dhinac ay dowladdiisu taageertay.

Waxaa socda hadda qorsho la doonayo in si fool-ka-fool ah la isku soo hor-fariisiyo labada dhinac, oo la doonayo inay dib usoo celiyaan wadashaqeyntii ka dhaxaysay.

Halkaan ka akhriso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this