Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag Miino Aasayay oo ay Kula Qaraxday Duleedka Degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Rag miino aasayay in ay kula qaraxday deegaanka Daniga oo illaa 11km dhinaca Galbeed ka xiga Degmada Balcad ee Gobolkaas.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Miinada ayaa la qaraxday ilaa afar Ruux oo ahaa kuwii aasayay, waxaana la sheegay in ay ka tirsanaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku darayaa in ragga miinada la qaraxday uu ku jiro sarkaal sare oo u qaabilsanaa Al-shabaab dhinaca miinooyinka balse aan la sheegin magaciisa.

Miinada ayaa la dhigi rabay buundo caan ah oo la yiraahdo buundada Macalin Weyne.

Deegaanka daniga ee Degmada Balcad waaxaa dhawaan ka dhacay qarax Miino oo lala eegtay gaari caasi ahaa waxaa ku dhintay qaraxaas afar ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo baaraley ahaa.

Maamulka Dowlada iyo Degmada Balcad ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ka hadli doonaan Dhacdadaasi.

PUNTLAND POST

The post Rag Miino Aasayay oo ay Kula Qaraxday Duleedka Degmada Balcad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this