Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Dilay Dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dilkan ayaa ka dhacay barxada suuq Sayarad ee Xaafada Caashir ee magaalada Qaahira ee dalka Masar marxuumkan ayaa da,diisa lagu sheegay 16 sano jir waaxaana lagu magacaabi jiry Shaakir oo magaciisa lagu soo koobay.

Xilliga dilka dhacayay ayaa la sheegay in marxuumka uu ka soo baxay maqaayad wuxuuna ku sii jeeday gurigiisa.

Ciidamada amniga Masar ayaa meydka marxuumka la wareegay waxayna sheegeen in aan la aasi doonin inta baaristu socoto.

Ciidamada dambi baarista oo goobta tagay dilka ka dib ayaa dad 50 ku dhow usoo xirxiray dhacdadan dilka ah iyo dadkii ladaganaa guriga marxuumka la dilay

Waxaana haatan ku socota dadka laqabtay baaritano laxiriira kulug laahnshiyaha dilkan iyo inay wax ka og yihiin.

PUNTLAND POST

The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Dilay Dalka Masar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this