Sign in to follow this  
Deeq A.

8 Ruux oo lagu Jiirsiiyay Gaari Dalka Mareeykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay magaalada New York 11 kalena dhaawac halisa ayaa gaadhay ka dib markii nin baabuur nooca xamuulka ah wada uu dad ku jiidhay haadka ay maraan dadka baaskiillada wata ee wado ku taalla xaafadda Lower Manhattan.

Ninka baabuurka waday oo 29 jir ah ayaa markii uu dadka jiidhay ka dhaadhacay baaburka waxaana toogasho ku dhaawacay askari boolis ah oo waa la xidhay, waxaanay saraakiishu sheegeen in uu ahaa weerar argagixiso.

Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii.

Xog uu helay telefishanka CBS ayaa tibaaxday in qoraal baabuurka uu ninkaasi waday laga helay lala xidhiidhiyey kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Eedaysanaha oo sida muuqata deganaa gobolka Florida ayaa la sheegay in isbitaal loo qaaday.
Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, ayaa yidhi “wuxu ahaa fal argagixiso oo fulaynimo ah oo lala beegsaday rayid aan waxba galabsan”.

Waxaanu intaa ku daray oo yidhi “waanu ognahay in falka looga gollahaa in la nagu niyad jabiyo laakiin waxa kale oo aan ognahay in dadka ree New York ay yihiin dad adag, weligayo fal colaadeed oo looga dan leeyahay in lanagu cabsi geliyo u liici mayno”

Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray waxa uu ku yidhi ” waxaan tacsi iyo duco ba u dirayaa dadka ku waxyeelloobay iyo qoysaska dadkoodii ku waayey falka argagixiso ee ka dhacay magaalada New York. Alle iyo dalkiinuba way idinla jiraan”.

45E3D00800000578-5036717-image-m-6_1509545E3E16900000578-5036717-The_front_of_th45E0AED500000578-5036717-image-a-82_150945E3CE8800000578-5036717-image-m-11_150945E3CE8000000578-5036717-It_s_unclear_if

PUNTLAND POST

The post 8 Ruux oo lagu Jiirsiiyay Gaari Dalka Mareeykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this