Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo Qodobo ku heshiiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa wali ka socda shirka u dhaxeeya madaxda Dowladda Soomaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.

Shirkaan waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxaana ka qeyb galaya Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda iyo Maamulka  Gobolka banaadir.

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaliya ayaa sheegaya in labada dhinac ay isla meel dhigeen qodobadii hor yaalay oo ay ugu horeeyaan arrimaha amniga, Kheyraadka iyo dib u eegista Dastuurka.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaliya  ay ogolaatay inay xayiraadda dhaqaale ka qaado maamul Goboleedyada dalka Ka jira, iyadoo markii ugu horeysay xukuumadda Soomaaliya ay lacago u kala diri doonto maamul Goboleedayada.

Galinka dambe ee Maanta ayaa lagu wadaa in shirka War-murtiyeed laga soo saaro islamarkaana lagu shaaciyo waxyaabaha la isku afgartay.

PUNTLAND POST

The post Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo Qodobo ku heshiiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this