Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Itooobiyaan ah oo kasoo gudbay xadka Gedo, xog ku saabsan tiradooda iyo qorshaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Doolow (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa u muuqato inay jawaab cad ka bixineyso safarkii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhawaan ku tagay dalkaas, isagoo ka codsaday in laga caawiyo sidii meesha looga saari lahaa Ururka Al-Shabaaba.

Haddaba  Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Soomaalyia ee Doolow ee Gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Muqdisho.

Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxeyku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab.

Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah kuwa AMISOM, bishii October ee sanadkii tagayna ciidamo badan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka oo Ethioopia ka joogay Soomaaliya aya baaneeyay saldhigo badan oo ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga sugnaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maalmo ka hor socdaal ku tagay dalalka Itoobiya,Jabuuti iyo Uganda,waxaana uu u tagay si looga gacan siiyo Dowladda Federaalka Dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay Al-Shabaab ku qaadi doonto weerarkii ugu dambeeyey oo meesha looga saarayo kadib markii ay kooxdaan qarax musiibo ahaa ka fulisay Isgoyska Soobe halkaas oo lagu waayey ilaa 358 qof oo Soomaaliya halka dhawaaca uu gaarayo 220.

Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa shir uga socdaa Muqdisho, waxaana kamid ah qodobada looga hadlayo dagaalka lagu qaadi doono Al-Shabaab iyo sida loo wajahayo, waxaana la filayaa inay kasoo bixi doonaan qodobo xasaasi ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa gacanta ku hayo qeybo ka mid ah Soomaaliya, sidoo kalana waxay qaraxyo iyo dilal ka geystaan Caasimadda Soomaaliya  ee Muqdisho oo 6 sano ka hor laga saaray.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku wareejisay 450 askari oo la sheegay inay qeyb ka noqon doonaan dagaalka lagu qaadayo Kooxda Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Read More

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this