Sign in to follow this  
Saalax

Several of Silanyo's relatives working for Dahabshil are taken out by hitman

Recommended Posts

Saalax   

Qoyska Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Ee Soomaaliya Oo Lagu Weeraray Magaalada Muqdisho iyo Bahda Somalilandtoday Iyo Ganacsade Maxamed Baarjeex Oo Tacsi U Dirtay

 

Muqdisho (Somalilandtoday)-Shalay salaasadii ayaa qoyska Ganacsade Xasan Cabdi Cawad oo ah maamulaha sherkadda Dahabshiil qaybta Soomaaliya rasaas lagu weeraray gaadhii ay saarnaayeen oo ah nooca loo yaqaan prado.

 

 

Waxa shilkaas ula kaca ah ku geeriyooday mid ka mid ah carruurta Xasan Cadbi Cawad halka 5 qof oo kale carruurtiisa iyo xaaskiisii ka mid tahayna dhaawac culus soo gaadhay.

 

Illaa hadda lama garan cidda weerarkaas arxan darrada ah gaysatay mana jirto cid sheegatay, sidoo kale ma jirto xog faah-faahsan oo warbaahinta Somalia ka qortay weerarkan.

 

Bahda Somalilandtoday waxay Xasan Cabdi Cawad ka tacsiyeynayaan geeridaas naxdinta leh waxaanay marxuumka dhintay ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna ilaahay caafimaad sareec ah siiyo. Si gaara tifaftiraha wargayska iyo shabakadda Somalilandtoday Khadar Xasan Xaaji Axmed waxa uu Xasan Cabdi Cawad iyo qoyskiisa u rajaynayaa in ilaahay bedel khayr qaba siiyo.

 

Maxamed Baarjeex Oo Tacsi U Diraaya Ganacsade Xasan Cabdi Cawad Oo Caruur Uu Dhalay Lagu Laayay.

 

Ganacsade Maxamed Baarjeex Iyo Cabdisalaan Baarjeex oo kamid ah ganacsatada Somaliland ayaa tacsi u diray Ganacsade Xasan Cabdi Cawad isagoo ka tacsi yadeeyay geerida ku timi caruur uu dhalay Ganacsade Xasan Cabdi Cawad oo si arxandaro ah loogu xasuuqay Magaalada Muqdisho . Alle Samir iyo Imaan haka siiyo Xasan Cabdi Cawad geerida ku timi caruurtiisa

 

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

 

 

http://somalilandtoday.com/qoyska-maamulaha-shirkadda-dahabshiil-ee-soomaaliya-oo-lagu-weeraray-magaalada-muqdisho-iyo-bahda-somalilandtoday-oo-tacsi-u-dirtay/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this