Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ilaahoow noo Naxariiso oo na Cafi

Recommended Posts

Salaan...

 

Tan qabsada, koleey sida aan u maqlay lee waaye.

________________

 

Xariifkoo baadiye ku noolaan jiray aa maalin jimce eh masaajidka aaday, oona kusoo toosay oo wali ay khudbadii jimcaha socoto, wuxuu meel ka yara fog ku arkay nin ay is yaqaaneen oo isagana xariif kale oo reer baadiye ah kaasoo waliba aad u oynaayey oo fiq...fiq...fiq suu iskugu waday ka dhamaatay.

 

Markii salaada dhamaatay ayuu wuxuu u yimid ninkii ooynaayey isaga oo aad ula yaabanaa waxa uu ninkaa la ooynaayey sababtoo ah ninka af Carabiga ma uusan garaneynin oo si fiican bey isku yaqaaneen, khudbadana Carabi ee ku socotay.

 

Fiidoow: Ar Jimcaale, xaad la fiqleeynee, ma af Carbigaad taqaanaa?

 

Jimcaale: Aryaa shub iga dheh!

 

Fiidoow: Ii sheeg hee, shub waaba dhahayee.

 

Jimcaale: Aryaa wadaadka garkiisa ma u jeeday?

 

Fiidoow: Xawlahaay, gar dheeroow lahaaye.

 

Jimcaale: Aryaa garkiisa orgi shil hore iga lumoow u ekaay! :D:D

_______________

 

Hada kahor aa oday indhoole eh oona waayeel eh guursaday gabar yar.

 

Maalinta guurka ka bacdi ee ku tiri odaygii, "Haddaad ogaanlahayd caddaantayda, quruxdayda, suuradeyda iyo qaab-dhismeedka jirkayga waad yaabi lahayd nasiibkaa igu heshay."

 

Odayga aa u jawaabay, wuxuu ku dhahay: "Haddeey arrintu sidaas tahay dhalinyarada indhaha qabta iigama kaa tageen." redface.gif

_______________

 

Ilaahoow na cafi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Miskiin Macruuf.. Salaan Wacan bro.

Sxb Ninkaa Jimacaale qiiro gaaban Ayaa haysay Lakiin Fiidow ayaa runta u sheegey

 

Waa mida kale sxb Ninka Waayeelka ahaa ee Gabadha yar guursadey cidi uma dhaafteen hadii ay tahay Gabadh qurux badan... Alla dumarku Faan`badana... :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool anigana waxaan isla haay Jimcaale Ilaah daraadiis buu u qushuucay. lax jeclida meesha ey ka gaareen xoola dhaqatada.

 

mida labaad....ninka indhoolaha isha oo ka toogday!

___________________

 

beri baa waxaa la yiri naag reer baadiyo eh baa salaad tukaneesay, quraan malaguu yaqaano, laakiin wey ogtahay in salaad la iska rabo. salaadi bey iney u istaagday ee wexey tiri

"ilaaheygii saca madooweey oo caanihina cadeey, ALLAHU AKBAR". salaadi waaba la xirtay.

Is the thought that counts, eh?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this