Sign in to follow this  
galbeedi

Faysal Waraabe oo af xumaddii ku darsaday ka ganaciga siyaasada.

Recommended Posts

galbeedi   

In badan baan difaacayey Faisal Waraabe aniga oo ku tuhmayey, kana urinayey sharci doon iyo dimoqraadiyad. Waxaan ku tilmaami jiray nin aan munaafaq ahayn oo qalbigiisa waxa ku jira cabiraya sax iyo qalad. Dad badan oo aqli iyo aqoon u Saaxiib ah ayaa waxay dhawr jeer igu yidhaahdeen , " Waar waa nin waalan oo weliba siyaasada xisbiyada dilaalnimo uga jira", hase ahaatee waan iska dhega tiray anigoo u cudur daaraya. Waxaa la yidhi haddii ummadu jamaacadeedu wax isku raacdo , iyagoo tilmaamaya xaalad ama qof waa in aad tixgelisaa waxaa dadku isku raacay , ileen waxbaa ka jira.

 

Waalida iyo madax faluuqnimada Faysal lagu sheegayao , waa mid ku saabsan hab dhaqankiisa, hase ahaatee waxaan is weydiiyey, siday ku dhacday in hogaamiye xisbi u ololeeyo guuldarada iyo burburinta xisbigiisa?. Arrimahaas waxaan weydiiyey dad u dhuun daloola siyaasada iyo ganacsiga siyaasadeed ee Hargeisa ka socda. Ka dibna waxa ii soo baxay dhawr arrimood.

 

1- Faysal dib uguma guulatsan doono tartan xisbi iyo mid siyaasadeed labadaba.

 

Wakhtigan la joogo Faysal waxa uu ku qanacay in aanu tartan siyaasadeed oo dambe ku guulaysan doonin. Haddii uu UCID ka tagana ma jirto cid kale oo ku soo darsanaysa xisbigooda. Dhawr jeer oo la isku dayey in wax lagu darsado UDUB iyo qaar kale , waxay yidhaahdeen Faysal na soo geli maayo. Waxay u eegtahay in reer UCID ka tashdeen oo aanu hadda wax talo ah ku lahayn waxa uu xisbigaasi hiigsanayo. Sidoo kale , dhib mooyaane in aanu wax dheef ah ku soo kordhinayn wakhtiga xaadirka. Halkii la rabay in uu siyaasada ka fadhiisto oo uu jiilka cusub talada u daayo, sidii " dictators" kii Africa ayuu soo taagan yahay. Isagu war iskama hayo , laakiin siyaasad way uga dhmaatay.

 

2- Kooxda Siilaanyo oo jebisay dhulkana Jiiday.

 

Kooxdan Hargeisa ka talisa ayaa waxay ku qanceen in Faysal guuldaraystay meelna gaadhayn sidaa darteed , waxay garteen in hadda waxii ka dambeeya loo adeegsado in uu afhayeen u noqdo , islamarkaana laga qeyb geliyo ajendaha ay wadaan . kulanada wasiirada iyo xukuumadana uu dhex carraro. Sidoo kale soo dhaweynta Faysal xukuumada uga mid noqday waxay beeshiisa ku sii dhaweynaysaa xagga qawlaysatada ku bahoowday boobka maamulka iyo maalka.

 

3- Ka ganacsiga siyaasada iyo mashruuc ( contact) lagu soo siiyey in UCID uu kala diro.

 

Sanadkan bilowgiisii Faysal waxa uu tagay Djibouti , halkaas oo ay ku casuumeen maalqabeeno ka soo jeda galbeedka Hargeisa oo rabba in Muuse Biixi madaxweyne noqdo. Kooxdan oo uu hogaaminayo Maxamed Aw Sacaaid iyo koox kale oo Jabuuti awood ku leh, waxay Faysal ku war geliyeen in uu sameeyo dhawr arrimood , islamarkaana si fiican jeebka loogu buuxin doono. Nin xog ogaal ah waxa uu igu yidhi , lacag gaahdaysa $300,000 oo maraykan ah ayaa badhna loo soo dhiibay qeybna loo balan qaaday, waxana lagu yidhi:

 

Waa marka koowwade waa in aad taageertaa Muuse Biixi, kana qeyb qaadataa ololaha loogu jiro doorashadiisa, islamarkaana aad garab istaagtaa isaga iyo xukuumada. Tan labaad waa in aad burburisaa xisbiga UCID oo aad horjoogsataa in Jamaal Cali Xuseen tartan la galo Muuse Biixi. Madaama ay labadan nin isku beel ka soo wada jeedaan , Faysal waxa laga codsaday amaba lagu amray in Jamaal aanu cod ka jiidan Ina Biixi.

 

Si uu qorshahaas u fuliyo Faysal markiiba waxa uu ku dhawaaqay in Jamaal aanu musharax ahayn oo aanu gole dhexe cod ka helin, taas oo markiiba muran gelisay musharaxnimadii Jamaal, markii damana maxakamad la isla tegay. Cid kasta way ogayd in Jamaal sharci ku joogo , UCID na uu ka soo gudbiyey xaalad addag, laakiin waxay ahayd mashruuc Faysal ugu adeegayo dadkii soo kiraystay ee mashruuca u so dhiibay. Arrimahani waxa ay igu qanciyeen in Faysal uu yahay nin khabiir ku ah been guurka iyo khiyaamada .

 

Halkaa kuma joogine waxa uu ka mid noqday oo uu ku milmay xisbiga Kulmiye, isagoo fulinaya ajendahooda siyaasadeed . Waxa uu ka hadlayaa oo uu goob joog ka yahay madal kasta oo ay ka hadlayaan. Talaabo kasta oo ay qaadaana waxa uu leeyahay waa sax. Madaama uu ku milmay xisbigaa , waxa ku haboonayd in uu iskaga biiro oo uu munaafaqada iyo dhibaatada ka daayo Jamaal iyo UCID. In badan baa waxaan odhan jiray munaafaq ma ahan ee qalbigiisuu ka hadlay, waxaase ii soo baxday in uu yahay masiibo biyo hoostood ku shaqeeya. Waxaan mararka qaarkood is idhaahdaa , malaha Waxaa laga yaabaa colaad uu u qabo C/raxman Cirro iyo xisbigiisa in uu u xukuumada ugu dhawaanayo. Taasi hadday jirto xisbigiisa ayuu kor u qaadi lahaa ee ma dumiyeen.

 

Soomaalidu waxay tidhahdaa " Sagaaro Xaar muuqda ayaey aastaa".

 

In badan waxa uu ku doodi jiray in dawladnimo meesha ka baxday uu uu nidaamkani isu bedelay mid qabiil, islaarkaana musuqmaasuq hadheeyey wax walba. Goormaa ugu dambeysay nidaamka oo uu dhaliilo ama farto ku fiiqo qaladaadka u soo muuqanaya sida buuraha. Marmarka qaarkood waxaad isleedahay meeshan miyaanu jirin cid mucaarad ah oo wax toosisa fartana ku fiiqda nidaamkan musuqu hadheeyey. Nin waxgarad ah ayaa maalin dhawayd waxa uu farta ku fiiqay sida aanay xataa u jirin wax " ministry protocols" oo la raacaa xataa in aanu jirin, oo wasaaradaha shaaha lagu cabo lana sugo mashuurcyada NGO ga.

 

Airporka Hargiesa afartii billodd ee la soo dhaafay waxa isku bedelay saddex wasiir. Dikreeto madaxweyne ayaa lagu bedelay ayaad maqlaysaa, laakiin cidina ma sheegayso sobota boqol maalmood gudahood saddex wasiir looga qaaday shaqada. Faysal iyo cid mucaarad ah oo ka hadlaysanaa ma jirto. Ninkasta oo la keeno waxa uu markiiba madaxa isla galayaan dad uu meesha dhigtay wasiirkii hore ee Duulista Maxamuud Xaashi oo imikana madaxtooyada maamula. Dadkaasi waxay gacanta ku hayaan $50 oo laga qaado dadka garoonka ka dhoofaya iyo lacagta laga qaado kuwa soo degeya. Raggan hantidan faraha ku haya waxa ka mid ah :Agaasimaha maamulka waaxda lacagta, agaasimaha waaxda paratakoolka, maamule ku xigeenka airporka iyo taiyaha saldhiga poliska madaarka Hargiesa. Dhmaantood waxa keenay wasiirka hore ee duulista. Wasiirkii dadkaas iyo musuqooda frageliya ama isku daya in uu qeyb ka qaato boobka , Ina Xaashi oo madaxtooyada jooga ayaa hore ka eryeya. waa taas ta keentay in afar billood saddex wasiir shaqada laga eryo.

 

Ma raacyaan sharciga qoran. Allaha ha u naxariistee Cigaal ayaa dejiyey sharci aad u hore marsan oo qeexayaa awoodaha iyo maamulka oo aad ka heli kartaan haddaaad akhrido sharciga madaniga ee Duulista somaliland ( Somaliland civil aviation bill).

 

Waxaan garan waayey in la ina maaweelinayo oo waxani dhamaan heshiis lagu wada yahay ka mucaarad ilaa kuwa wax maamulayo, iyo in ay waxani karti daro ka tahay. Waxaa maalin walba soo muuqanaya Soomaali meel kasta oo ay joogto in ay maamul iyo nidaam dhinac iska dhigeen. Nin baa waxa uu yidhi : xafiis baan maalin walba ku kalahaa anigoo raba in aan wax sharci ah oo aan xaq u leeyahay in aan ka soo dhmaysto, maalin walba ama soo noqo ayaa la igu yidhaahdaa ama hebel majoogo, maalintii dambe ayaa waxaan u tagay nin garanaya agaasimahan i daaliyey. Markii aanu israacnay ee xafiiskii galnay, ee loo sheegay waxa aan u socdo, ayaa waxa uu yidhi ," oo kumaan garanayn e maxaad iskugu kay sheegi weyday". Ma maqashay gadhba gadh baa la tusaa.

 

Sideetamaadkii shacabku si ay uga dabaashaan o ay hawlahooda u fushadaan , waxa ay abuureen hab cusub . Marka qofku yidhaahdo , " waar waxaas baan ubaahanahay, si dawladiina meel aan u maro garan maayee maxaan yeelaa?", dadku waxay odhan jireen , " waar waa dheg weyne ha dhagaysan ee halkaa mar oo waxaaga dhameyso". Waxan maanta hargiesa ka socdaa ma ahan waxii sideetamaadkii Soomaaliya ka jiray ee wax waxii dhacayey 1989/90 markii qaranku dumayey. Isma lahayn sodon sano ku dhawaad waxii Soomaali dumiyey ayaa dib loo soo cimaamadi oo la isku boobi.

 

Aan ooye albaabka ii xidha.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this