Sign in to follow this  
Asad Ahmed

Gov To start Disturbution of the Aid

Recommended Posts

Waxaa maanta la soo gaba gabeeyay howlihii dejinta ee Markabkii siday deeqdii mucaawinada ee ka timid dalka Turkiga, kaasoo dhamaadkii bishii hore ku soo xirtay Dekeda Muqdisho.

 

Deeqdan oo ka kooban 11-kun oo tan raashin mucaawino ah oo Turkiga ugu tala galay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha bani’aadanimada ku heysta gobolada dalka.

 

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan bilaabi doonto qeybinta deeqda mucaawinada ee ka timid dowladda Turkiga.

 

“Dhowaan waxaa la bilbabi doonaa qeybtinta gargaarka mucaawinada ee Turkiga ka timid, waxaa dadka loo gaarsiin doono sida ay u kala daran yihiin inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu wareejiyay deeqdan mucaawinada ee ka timid Turkiga, iyadoo lagu wado in la gaarsiiyo qaar ka mid ah gobolada dalka, kuwaasoo ay ka jirto xaalado nololeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this